Google
 
Skype - call the world at rock bottom prices

Links


Home

BBC Radios
11:00 Am
14:00 Pm
18:00 Pm
Other Radios
Radiyo Xoriyo
Qorahey
VOA-Somali
 
 

 

 


Maadeey - Interview

Part 1 Part 2 Part3 (Coming Soon)

Cod Kale oo Cajalado ah

Cajaladan codka ah ee ay ku wada hadlayaan Mudanayaasha kala ah Engineer Salahdin Abdurahman iyo Cabdiraxmaan Maadeey , oo ay inoo soo gudbisay Hayadda Dabagalka Ilaalinta Sirta Halganka, ayaa waxaanu dhagaystayaasha si xushmad leh uga codsanaynaa inay arintan u arkaan inay tahay mid xaqiiqo raadis ah ee ayna u arkin in shakhsi loola jeedo.

Xogg waraysiga labada mudane waxay cadayn labaad u tahay khilaafkii uuruka dhexdiisa ahaa sidii loogu balansanaa in wax laga qabto. Waxayna labadanina isku mowqif ka taagan yihiin xal u helka Xaalada guracan ee Ururka ONLF ee laysku dayay in la afduubto.

Waxaa uu ku hanjabayaa in uusan jeclayn in uu ururku burburo, hadiise ay ka fursan waydo wuxuu lee yahay waxaan qaadi doonaa talaabo cad oo aan ururka ku badbaadinayno.

Maadeey, wuxuu si fiican u darsay xaaladda jwxo ay gashay, aadna wuu ugga murugsan yahay, laakiin waxaad moodaa inuusan wali u bislaanin inuu waxa qalbigiisa ku jira, uu si madax banaan ururka dhexdiisa uga warbixiyo.

Laakiin marnaba shaki ma galinayno inuu jecel yahay wanaaga Ururka, oo uu yahay xubin ku leh ururka dhexdiisa magac muddo dheerna uu ka ahaa hawlwadeen. Maxayse ku taal jacaylka ururku, hadii uusan awood u lahayn in uu af iyo aqli midna ku difaaco hantida uu shinideeda abuuray.

Maadeey wuxuu Cajada ku qirayaa in uu khaladku hal dhinac ka socdo, oo loo baahan yahay in si qorshaysan looga hortago, si aanu ururku u tacab khasaarin.

Maadeey iyo waxyaabah uu ka hadalayo waxaad kaga boganaysaan Codadkan is daba socda oo labadii Todobaadba aad ee helaysaan hal cajalad, idinka ayaana ka bogan doon.

Waxaanu dad weynaha leh haganka weydiinaynaa bal in ay iyaga laftigoodu garsoore ka noqdaan, meesha ay salka saarayso dhibaatada ururku. Waa kuma dhagar qabaha ay xubnuhu wada tilmaamayaan ee xidhka cidlada ah ururka u baqooliyey, watana Hankoolada aan hadli karin!!!!!!!!..

Editor: Ogaden.info

 



All Rights Reserved by Ogaden.Info © Copyrights 2007