Puntland oo Qaaday Talaabadii Ugu Damabsay ee Goolalkeedii Siyaasadeed, Maxaase Xigi Doona

April 25, 2008

 

SSDF waxaa  uu ahaa Urur  loo sameeyey dhibaataynta umada Somaliyed meel ay joogtaba, waxaana uu noqday ururkii u horeeye abid ee ka shaqeeyey xumaatada ummada Somaliyeed. Umada Somaliyed oo aan aqoonin dhibato iyo is nacayb siyaasadeed midna una hogaansan ilaalinta midnimada iyo xoriyada umadnimo Somaliyeed ayaa ururka SSDF uu noqday ururkii ugu horeeyey ee ka shaqeeyey isku dirka iyo kala dilka umada  Somaliyeed. Ururkan waxaa samayntiisa ku lug lahaa dalal shisheeye oo waligoodba doonayey sidii ay u burburin lahaayeen jiritaanka umada Somaliyeed ayna uga dhigi lahaayeen ummada gacantooda ku jirta.

 

Fikirka foosha xumaa ee ay haysatay ama ay qaadatay ururka SSDF, waxaa uu noqday mid socon waaya oo ay umada Somaliyeedna kuligeed ka soo wada horjeedsato. Waxayna ugu dambayntii go,aan ku gaadhay SSDF in ay dalka Somaliya dib ugu soo laabato oo ay heshiis beerlaxawsi ahna la gasho xukuumadi Madaxweynihii Somaliya Maxmed Siyaad Bare. Laakiin runtu ma ayna hayan in ay SSDF u soo laabatay in ay umada Somaliyeed wax u qabato, balse qorshaha ay SSDF dalka Somaliya ugu soo laabatay waxaa  uu ahaa in ay dacar ku kiciso umada Somaliyeed si ay isu disho.

 

Waxay dhibaato qabiil oo isku dir ah ay SSDF ka bilowday dalka Somaliya, waxayna ugu dambayntii ay ku guulaysatay in ay abuurmaan ururo mucaarad ah oo aaminsan wixii ay SSDF ku dhisnayd muuqaal ahaan, laakiin runtii waxay kaga gadisnaayeen mayna lahayn aragtii fool xun oo ku jeeda umada somaliyeed laakiin waxaa hayey Caadifad Qabiil kaliya, Marka laga reebo ururkii SNM oo isaga laftisgiisu watay siyaasad ay ka dambeeyeen cadowga umada Somaliyeed, ayna haysay han ah in ay dawlad noqon karaan.

 

SSDF waxaa u suurto gali weyday in ay qabsato xukunkii Somaliya waayo waxaa ka awood batay ururadii u dhashay caasimada Muqdisho oo aan xiligaas raali ka ahayn in ay SSDF madax ka noqoto dalka Somaliya. Kolkii ay Ogaatay SSDF in ayna sina ku heli karin xukunka Somaliya waxay bilowday in ay huriso sidii ay u bilaaban lahaayeen dagaalo sokeeye si ay uga faa,iidaysato oo ay u hirgasho siyaasadeedii foosha xumayd ee kali noolaanshaha ahayd.

 

Hadaba kolkii ay ku guulaysatay in ay bilowdaan dagaalii sokeeye ee Somaliya uuna Ogaaday ururka SSDF in manta ay xaalada Somaliya marayso meel xun ayaa bilowgii sanadkii 1992 – 1993 ay shir isugu yimaadeen xubnihii iyo taageerayaashii ururkii SSDF waxayna soo saareen bayaan sir ahaa laakiin la helay oo uu markaas ku sixiixnaa sii hayihii gudoomiyenimo ee ururka SSDF MAXMED ABSHIR MUUSE.

 

Go,aamadii ka soo baxay shirkii ururka SSDF waxaa uu noqday mid ay ka fajacday guud ahaan umada Somaliyeed, reebtayna in ay umada Somalieed u qaado nacayb weyn.

Qodobadii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa oo lagu cadeeyey sidii loola dhaqmi lahaa qabiilooyinka ay umada somaliyeed ka kooban tahay gaar ahaan kuwa ay islahaayeen waxay horistaagi karaan damaciina dheer ee siyaasadeed. Runtii qodabadii ay qoondasysatay SSDF saddexdii ugu muhiimsanayd waxay fulisay April 22, 2008.

Ururka SSDF waxaa uu meel ku xidhay Degaanada Waqooyiga Somaliya waxayna nacsiiyeen umadii somaliyeed, ka dib kolkii ay karkaarka weydaariyeen dawladnimadii ay doonayeen ayna ku direen umada Somaliyeed oo dhan.

 

Koonfurta Somaliya oo ahayd mida hogaanka u haysay jiritaanka Somalinimada iyo ilaalinta xornimada umada Somaliyeed manta waxaa haysta oo ay SSDF gacanta u galisay cadowgii soo jireenka umada Somliyeed ee Atobiya.

 

Bishan April 22, 2008 ayey ahayd kolkii ay SSDF qaaday go,aankii ugu dambeeyey ee ay umada Somaliyeed meel cidla ah u joojin lahayd iyo waliba soo gabogabayntii goolkeedii siyaasadeed ee geeska afrika ee isgarabsiga Atobiya. Fadlan akhri Qorshihii SSDF

 

Hadaba qorshii uu samaystay Ururka SSDF, inkasta oo uu saddexdii ugu muhiimsanaa haatan soo xidhay hadana waxaa la isweydiin karaa miyuu guulaysanayaa mise surgintii uu ku dhiman lahaa buu galay? Waa inoo qormada qaybteeda labdaad….

 

 

Qore Huseen Qardhab